Connect with us

About us

Ku saabsan – horyaalka somaliland

horyaalka somaliland waa shabakad ku takhasustey wararka ciyaaraha, waxaan idiin soo gudbinaa wararkii ugu dambeeyey, natiijooyinka, faalooyinka iyo muuqaalo xiiso leh.

Waxaad sidoo kale shabakadda horyaalkasomaliland com kala socon kartaa maqaallo xiiso leh.

 

Waxaan akhristeyaasha horyaalkasomaliland u ogolaanaa iney fekerkooda soo gudbiyaan isla markaana ay ka qayb qaataan codbizinada kala duwan ee aan ka samayno abaalmarinada kubadda cagta, kulamada waaweyn ee xiisaha leh iyo weliba dhacdooyinka ugu waaweyn.

Shabakaddu sidoo kalo waxay diiradda saartaa ciyaaraha caalamiga ah ee somaliland oo aan si gaar ah diiradda u saarno una soo gudbinno alkhristayaasheena wax walba oo la xidhiidha tartamada ay ka qeyb galaan kooxaha soomaalidu meel walba oo ay dunida ka joogaan.

Bogga horyaalkasomaliland.com wararka waxaad ka heli kartaa miiska kala sareynta horyaalada Premier league ee dalka ingiriiska, horyaalka La liga ee dalka spain, horyaalka Seria A ee dalka talyaaniga, horyaalka Bundesliga ee dalka Jarmalka iyo horyaalka Ligue 1 ee dalka faransiiska.

Maalmaha isbuuc dhamaadka waxaan soo gudbinaa natiijooyinka kulamada waaweyn ee maalintaas la ciyaaray, waxaan kaloo soo gudbinaa qiimeynta ciyaartoyda ee kulan walba oo xiiso u leh akhristeyaasheena, anagoo fursad u siina inay fekerkooda iyaguna ku darsadaan qaabka ay la aheyd ciyaartu.

Waxaan sidoo kale soo gudbinaa shirarka jaraaid ee ay qabtaan tababarayaasha kooxaha waaweyn ka hor iyo ka dib ciyaar walba, waxaan sidoo kale soo gudbinaa wareysiyada ay bixiyaan ciyaartoyda waaweyn.