Connect with us

Bundesliga

Louis Saha Weerar Ku Qaaday Mason Mount

Published

on

Weeraryahankii hore ee Manchester United Louis Saha ayaa dhaleeceeyay Saxiixa cusub ee kooxda Man United ee Mason Mount.

Mount ayaa Man United ugu soo biiray lacag dhan 60 milyan oo euro isaga oo kaga soo biiray kooxda chelsea.

Advertisement

Mount ayaa ku guuldareystay inuu wax saameyn ah ku yeesho Manchester United, waxaana uu caawiyay kaliya hal gool lix kulan oo uu la qaatay Red Devils tartamada oo dhan.

Manchester United ayaa laga badiyay kala bar kulamadii ay ciyaartay xilli ciyaareedkan horyaalka Ingiriiska, waxaana laga badiyay labo kulan oo Champions League ah.

Saha ayaa yiri: “Manchester United waxay ku tiirsan tahay hal ama labo ciyaaryahan si ay u abuurto fursado, welina ma arkin wax uu Mount sameeyay dhinaca samaynta fursadaha, ma aanan arkin wax fiican oo uu sameeyay kulankii Brentford “.

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Waxaan rajeynayaa in ciyaartoyda ay dib u helaan qaab ciyaareedkooda, hadii ay taasi dhacdo ma jirto cid dooni doonta in ay ka hor tagto”.

Advertisement

“Waxaan u maleynayaa in Mount uu aad fiicnaan karo maadama uu si fiican ugu ciyaari jiray chelsea”.

“Marka aan qiimeeyo waxa aan arkay Mount ma soo bandhigin qaab ciyaareed aad u waali ah ilaa haatan”.

Advertisement
Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Bundesliga

Xidhiidhka Garsoorayaasha Premier League Oo Qirtay Khalad Dhacay Kulankii Arsenal Iyo Man City

Published

on

Madaxa xidhiidhka garsoorayaasha premier League ee Howard Webb ayaa sheegay in Mateo Kovacic uu nasiib u yeeshay inuu ku sii jiro garoonka intii lagu jiray kulankii Axadii dhexmaray Manchester City iyo Arsenal.

“Sida iska cad waa khalad cad, waxa aan ku kalsoonahay in ay ahayd in uu garsooraha ciyaartu bixiyo kaadh cas oo toos ah”ayuu yidhi.

Advertisement

 

“Laakiin xitaa kaadh digniin ah ma bixin, waxan filayaa in uu dhaw farqi jiro, Kovacic waxa uu halka dambe kaga yimid lugta midig ee Rice”.

“Waxa jira culays ayaa ku dhacay lugta Bidix waxa ay la mid tahay khaladkii uu Malo Gusto uu ku galay xiddiga Aston Villa ee Lucas Digne”.

Markii la waydiiyay in Kovacic uu nasiib ku lahaa in uu ciyaarta sii joogo ayuu yidhi”Sida iska cad VAR ma soo dhex gasho kaadhka 2-aad ee digniinta laakiin nasiib ayuu lahaa in aan ciyaarta laga saarin”.

Advertisement

Continue Reading

Wararka ugu akhriska badan